LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

CAPITAL CITY OF SOMALIA


 Caasimada Wadanka Soomaaliya ee Muqdisho

Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho 10-kii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah ayay u kortay kacdoon dhisme ayaa ka hana qaaday waana sababaha lagu garto magaalo xaaladii ay ku sugneyd ka baxayso dadkeedana way labalaabmeen.


■ Waxaa la dhisay daaro dhaadheer oo Degma kasta ah waxaa arkeysaa hal daar oo ka kooban 60 Apartment , xiligii bariisamaadkii waxaa jiray qoys waliba inay hal boos iska daganaayeen guri kastana uu lahaa hal boosaneer , laakiin nolosha maanta sidaa ma ahan halkii boos ayaa laga dhisay tobonaan Apartment waxaana halkaasi ku noolaan karta 10naan qoys! Waxay u baahanyihiin meel ay biyaha wasaqda ee bulaacada ( wasaqda saxarada iyo kaadida ,biyaha lagu qabeysto mida kushiinka ee alaabaha lagu meyro, biyaha dharka lagu dhaqo) meel ay iskugu tagaan oo ay ku kaydsamaan? Waa mowduuca aan rabo inaan ifiyo maanta


Sewerage networks

■ Dalalka Caalamka waxaa jira Nidaamka ama Shabakadda bullaacadaha (Sewerage networks) waa nidaamka dhuumaha dhulka hoostiisa mara iyo tubooyin waaweyn ee ka qaada biyaha roobka iyo bulaacadaha ka imaanaya guryaha la deggan yahay, goobaha ganacsiga, hotelada, masaajida, Shirkadaha iyo warshadaha oo geynaya goob biyaha wasakhda ah lagu nadifiyo lagu daweyo (treatment plants).kadibna biyahaasi laga faaiideysto oo waraabka loo isticmaalo ama biyaha webiga lagu shubo ama badweynta la raaciyo.
                                                          treatment plants
■ Sababta biyaha loo daaweenayo waa yaraynta faafitaanka cudurrada, iyo ilaalinta caafimaadka iyo fayadhowrka bulshada iyo deegaanka, sidaa daraadeed hadii biyaha wasaqeysan ee ka yimaada bulaacadaha toos wabiga ama bada loogu shubo waxaa ka imaan kara xaalad halis ku ah bad qabka noolaha ku nool iyo dadka deegaankaasi ku nool.

■ Sidoo kale Biyaha wasaqaysan dhulka beeraha ah ama carrada abuurka laguma fasixi karo iyadoo aanan la nadiifin lana daaweyn waxaa biyahaasi ka buuxa bacteria iyo kimikooyin isku badlay oo dhibaato keenaya .

■ Maanta Caasimada Muqdisho wax ay kaga baahi badantahay malahan Nidaamkan ama Shabakadda bullaacadaha qaada xataa xiligii Dowladii hore Nidaamka maanta jira ee horumarsan ma jirin dadkii iyo magaaladii waa kobceen waxay u baahan tahay Shabakaddaasi oo qaab casri loo dhiso magaalada banaankeeda iskugu geeya Xarun lagu daaweeyo oo lagu nadiifiyo biyahaasi wasaqda ah kadibna loo isticmaalo waraabka beeraha.

■ Waa Mashruuc wayn oo malaayiin dollar ku baxaysa oo awooda Soomaalida ka culus waxaa howlahaan ku hormarsan Talyaaniga oo lala kaashan karaa ama turkiga... Qarankaan dibu dhiskiisa ma fududa ee ilaahayow inoo fududeey.

Adiga maxaa ku dareysaa!?

Post a Comment

0 Comments